XOG : – SAFARKII WASIIRKA MAALIYADA EE ETHIOPIA AXMED SHIDE UU XAMAR KU TAGAY MUXUU DAARANAA ?

Jigjiga : Waxaa Magaalada Muqdisho usbuuci hore ka degey Wasiirka Maaliyada ee Dawlada Ethiopia Mudane Axmed Shide oo dhambaal ka waday Raisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Sida aynu la wada socono waxaa dhowaan Dowladda Sacuudiga ay joojisay xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera,laguna xiray shuruud ah iney warqadda caafimaadka dhoofka xoolaha Berbera la hoos geeyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Maamulka Jeegaanta Somaali-diidka ah Gashaanle Muuse Biixi ayaa farriin deg deg ah u dirsaday Madaxweyne Maamulka Somaalida ee Ethiopia Mudane Mustafa Cagjar, kana codsaday inuu xalliyo dhibaatadaas soo korodhay ee dhoofka xoolaha Berbera.

Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa cabasho u gudbiyey Prime Minister Abiy Ahmed una sheegay iney xayirradda Dekedda Berbera ay xoola-dhaqatada deegaankeena ay raad culus oo dhaqaale ku yeelan doonto,wuxuuna kula taliyey iney Ethiopia la wareegto gebi ahaanba Maareeynta & Caafimaadka xoolaha ee dekedda Berbera.

Dowladda Ethiopia ayaa Sacuudiga ku wargelisey xoolaha Berbera ka dhoofa iney gebi ahaanba ka yimaadaan deegaankeeda,sidaa darteedna ay masuul ka tahay maareeyntooda iyo caafimaadkooda,qodobkaas oo uu Sacuudiga ku qancay.

Safarka Wasiir Axmed Shide ee Xamar arrinkaas ayuu daaranaa, oo ah in Maamulka Xamar u faraha kala baxo caafimaadka dhoofka xoolaha ee Berbera,kol haddii ay Dowladda Ethiopia ka soo dhammeeysatay Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu go’aankaasi duduub ku qaatay.

Waxaa hubanti ah inuu Geeska Afrika ka hirgalay mashruucii Prime Minister Abiy Ahmed ee ahaa isdhexgalka Bulshada Geeska Afrika.

<