Lix kamid ah malayshiyaadka Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish oo lagu dilay Gobolka Bari

Lixi ruuxoo katirsan  malayshiyaadka  Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish ayaa kagu dilay duqeyn ka dhacday  buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Duqeyntan ayaa dhacaday shalay galinkii dambe waxaana gaysatay diyaarad nooca Daroonka ah,taas oo aan la ogayn wadanka laga leeyahay.

Dowladda mareykanka ayaa intabadan gudaha Soomaaliya ka fulisa weerarada noocan oo kale ah balse majirto wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen ilaa iyo haatan.

 

<