Faah Faahin: Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay deegaanka Mareero ee gobolka Bari

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay deegaanka Mareero ee gobolka Bari.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay inta laxaqiijiyay laba askari oo katirsan ciidamada booliska gobolka Bari, waxaana ku dhaawacmay 4 kale.

laba qof ee geeriyootay ayaa mid kamid ah waxa uu ka tirsanaa dadkii tahriibayaasha ahaa.

wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ka bilowday kadib markii shalay askari katirsan ciidamada  madaxtooyada lagu soo dhaawacay deegaanka Mareero, halka sidookale wararka qaar ay sheegayaan in dagaalkan uuyimid kadib markii ciidamada ay weerar ku qaadeen malayshiyaad deegaanka dadka ka tahriibiya.

 

Maamulka goboka Bari iyo taliska qaybta booliska  kama aysan hadlin iaa iyo haatan dhacdadan.

 

<