Breaking News–Madaxtooyada ‘Villa Somalia” Muran ka taagan Shir Qaramada Miboobay ay ku qabsnayso Nairobi oo Madaxweyne Farmaajo kasoo qayb gali lahaa

Shirka Sanadlaha ah ee Ladagaalanka Argagixisada qaarada Afrika oo Qaramada Midoobay ay soo Abaabulaan ayaa Sanadkaan waxaa Marti galiyey Dalka Kenya oo ay siwada jir sh u daadihin doonaan Kenya iyo Qaranada Nidoobay.

Shirka oo lagu magacaabo African Regional High-Level Conference on Counter-Terrorism ayaa waxaa kasoo qayb galaya Nadax badan oo Afrikaan ah, waxaa isna kulanka imaanaya Xog’hayaha Guud ee Qaramada Nidoobay António Guterres.

Sida ay warar Dublamaadiyadeed ku helayaan Howlwadeenada Puntlandi.com waxaa muran ka dhex aloosan yahay Masuuliyiinta Villa Soomaaliya kuwasoo ku muran san ka qayb galka Wafdiga Soomaaliya ee kulankaan, Dowlada Kenya wax muran ah ma aysan galin Imaatinka Masuuliyiinta Soomaaliya laakiin Waxaa Madaxseyne Farmaajo culays lagu saaray inuusan ka qayb galin kulankaan, Culayskaano ka imaanaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Kulanku wuxuu ka dhacayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee Nairobi waxaana daadihin doona kulanka Xoghayaha Qaramada Guud ee Midoobay iyo Madaxweyne Kenyata, Wadamada Afrika qaarkood waxaa ugasoo qayb galaya Wafdi heer Wasiir ah,laakiin Soomaaliya waxaa lagu casumay Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka waxaa looga hadlayaa la dagaalanka Argagixisada iyo Xagjirnimada,

Puntlandi.com
Nairobi

<