VIDEO-Safiirkii India ee Somalia oo waraysi bixiyey,”Yoga diin lama xiriirto ee waa ciyaar, 2 asbuuc kadibna Visaha Garowe ayaa laga bixinayaa”.

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maalmo kahor soo gaarey wafti uu hogaaminayey safiirka dowladda Hindiya ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Keny Rahul Chhabra.

Imaanshihiisa waxaa ka dhashay hadal hayn badan kadib markii maalin kadib uu Garoowe kaga qaybgalay xuska maalinta Yogada aduunka oo ay soo qaban qaabiyeen safaaradda Hindiya iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland.

Haddaba safiirka ayaa waraysi dheer oo uu bixiyey waxa uu sharaxaad kaga bixiyey safarkiisii Puntland oo uu sheegay inuu salka ku hayey ka qaybgalka maalinta caalamiga ah ee Yoga Day iyo hirgeglinta mashaariic ay ka fulinyaan Puntland.

Rahul Chhabra, waxa uu sheegay in Yoga aysan ahayn wax diin la xiriirta haseyeeshee ay tahay ciyaar dhaqameed qadiimo ah oo laga xuso in ka badan 100 wadan oo kuyaal dunida kadib markii ay meel marisay qaramada Midoobey.

Dhanka kalena, safiirka ayaa waxa uu sheegay in socdaalkiisii Garoowe uu guul u ahaa Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya maadaama markii ugu horaysay ay gudaha Soomaaliya ka bixin donaan Visaha dal ku galka India taasi oo ah magaalada Garoowe.

DAAWO

<