Talo Soo -Jeedin Ku Aadan Xulidda Guddiga Ku-meel-gaarkaa ee Doorshooyinka Puntland (TPEC).

Ku: Madaxweynaha dowladda Puntland
Garowe

Og: Gudoomiyaha baarlmaanka dowladda Puntland
Garowe

Uj: Talo Soo-Jeedin Ku Aadan Xulidda Guddiga Ku-meel-gaarkaa ee Doorshooyinka
Puntland (TPEC).

Golaha Current Trends waa madal ay ku kulansan yihiin aqoonyahan, siyaasiyiin, waxgarad iyo xog-ogaal ruug-caadaa reer Puntland ah.

Goluhu waxuu dood furan iyo falaqayn ka
yeeshay sida ugu haboon ee lagu soo xuli karo Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee
Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Goluhu wuxuu go’aansaday inuu madaxda Dawladda Puntland la wadaago talo soo-jeedin ku dhisan aqoon, xog-ogaalnimo iyo falaqayn tagtadii Puntland iyadoo loo toog hayo tan maanta taagan iyo timaadaba.

Talo soo jeedintaas waxaalooga gol leeyahay in aqoonyanka iyo wax-garadka Puntland ay qaataan kaalinta kaga aadan
go’aamada masiiriga ah ee dalkooda.

Goluhu wuxuu ku bogaadinaya xukuumadda cusub ee Puntland dadaalka ay ugu jirto sidii ay dalka uga hir gelinlahayd hanaanka xisbiyada badan si loo helo doorashooyin madaxbanaan oo xor iyo xalaal ah.
Goluhu wuxuu isla qiray, ahmiyadda ay leedahay in sida ugu dhaqsaha badan ee suuragal ah loo magacaabo guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Waxuu Goluhu hoosta ka xariiqay khartarta ay leedahay in Xubnaha Guddiga lagu soo xulo si la mida sidii guddiyadii hore lagu soo xuli jiray taasoo Guddiga u horseedi karta in uusan
kasban kalsoonida shabacka Puntland iyo tan saxiibada Puntland taageera iyo inuu sidii Guddiyadii ka horeyey noqdo mid fadhiid ah oo aan waajibaadkii loo igmaday gudan karin ayna meesha ka baxdo fursad kale oo shacabku kusoo dorankaraan madaxdooda.

Hadaba annaga oo xeerinayna duruufaha adag ee ku xeeran magacaabista Guddiga, waxaan warqadaan kula wadaagaynaa madaxda Golayaasha Dawladda ee ku lugta leh soo magacaabista Guddiga inay tixgaliyaan qodobada soo socda:

1. Hanaanka guddiga lagu soo xulayo.
Waxaa goluhu soo jeedinaya si golayaasha Dowladdu, gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisu iskaga fogeeyeen in la tuhmo:

  • • Inay marka hore dib-u-eegis ku sameeyaan (amendment) Lifaaqyadda Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka ee tibaaxaya habka loo marayo soo magacaabida Guddiga Doorashooyinka.
  • In la sameeyo Criteria ama sifooyinka looga baahanyahay xubnaha ka mid noqon doona Guddiga si loo helo dad buuxin kara sharuruudaha looga baahanyahay Xubnaha Guddiga.
  • In lagu daro hanaanka soo xulidda guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah in loo igmado guddi ka kooban shan(5) xubnood oo khuburo ah oo si tartan daahfurana ku keena xubnaha Gudiga si loo hubiyo tayadoda iyo madaxbaanidooda.
  • In xubnaha ka mid noqonaya Guddiga Ku Meel Gaarka ah mid-mid loo mariyo baaritaan (background check) inta aan lasoo magacaabin si loo hubiyo hufnaantooda, aqoontooda, kartidooda iyo in aanay dalka wax denbi ah ka gelin.


2. Sifaha guddiga

  • Ayadoo la tixgalinayo Lifaaqyada Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka Puntland in guddiga dowladdu magacowday ay soo xulaan xubno lagu soo doortay aqoontooda, hufnaantooda iyo kartidooda;, dadka reer Puntland-na ku dhex leh xushmad, qiimo iyo qadarin guud.
  • Xubnaha Guddiga Ku Meel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland inay noqdaan dad u madax-bannaan shaqadooda kana fog dano is-diiddan (conflict of interest).
  • Waxaan ku talinaynaa in Guddigga cusub aanay kasoo dhex-muuqan dad horay ugu fashilmay masuuliyad umadeed.

Dhammaad

<