Khayre oo durba ballantii uga baxay reer Cadaado iyo banaanbaxyo ka dhan ah oo ka socda.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa mudaharaadyo ka dhan ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-jameeca oo ku heshiiyey in shirka Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb.

Isu soo baxyada ka dhanka ah Khayre iyo Ahlusuna ayaa ka dambeeyey kadib makrii odayaasha degmada Cadaaddo soo saareen Go’aan ay ku qaadaceen shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ee Ra’iisal wasaare Kheyre uu shaaciyey inay ka dhaceyso magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka degmada Cadaado iyo dadka deegaanka ayaa soo qaban qaabiyay bannaanbaxan weyn oo looga horjeedo in magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacdo doorashada Galmudug, waxaana odayaasha iyo dadka deegaanku ku eedeyeen Xasan Cali Khayre inuu durba balankii uga baxay.

Xasan Cali Khayre iyo waftigii uu hogaaminayey oo muddo asbuuc ah ku sugnaa gudaha gobolka Galgaduud ayaa maanta lafilayaa inay booqdaan magaalada Guriceel ee isla gobolkaasi.

<