
Wasiirka maaliyada Puntand Xasan Shire Abgaal oo warasi gaar ah siiyay maanta Puntlandi.com ayaa waxa uu ka hadlay waxa ay daarantahay Cashuurta ay dul dhigeen badeecadaha ka yimaada dhanka maamulka Soomaaliland.
Wasiirka ayaa waraysigiisa waxa uu kaga hadlay sidookale fidinta Canshuuraha ee gobolada Puntland, ladagaalanka Musuq maasuqa, bixinta mushaharaadka Ciidamada iyo Shaqaalaha, Miisaaniyada cusub iyo xiliga ay baaramaanka hor gaynayaan iyo hadii ay jirto in lagu dhaqmayo midii hore.