DAAWO-Garaad Cabdullaahi C Ciid,”Muqdisho reer baa goostay, RW Khayrena afkuu qaran ka sheegtaa uurkana waa Hawiye”.

Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo habeenimadii xalay khudbad ka jeedinayey munaasabadda xuska 1da July ayaa waxa uu ku dheeraaday halgankii gobonima doonka Soomaaliyeed iyo doorkii reer Puntland.

Ugu horayn wuxuu siweyn uga sheekeeyey 1da July oo isagu kamid ahaa dadkii calanka taagey, isagoo ku sugnaa magaalada Hargaysa oo 26 June calankii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey laga taagey ciid Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayey dhibaatada deganaansho la’aaneed ee kajirta dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in haddii xalloobaahan yahay ay tahay in ugu horayn xal laga helo koonfurta Soomaaliya oo aysan waxba ka soconayn sida uu Garaadku sheegay.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid waxa uu tusaale u soo qaatay shirkii dibu heshiisiinta ee 2008 oo ay qodobadii ka soo baxay saxiixeen 140 oday dhaqameed inka badan aysanna jirin wax laga fuliyey maadaama weli xitaa xoog lagu haysto dhulkii iyo hantidii dadka ka soo jeeda gobolada Puntland iyo deegaamo kale qabiil gaar ahna uu ku amar kutaagleeyo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu ku dhaliilay xaqiraaddii uu ku sameeyey Cawaale Liibaan, wuxuuna sheegay inuu afka qaran ka sheegto haseyeeshee uurka qabiil iyo qadiyadda reerkiisu ay uga buuxdo cidkalena uusan waxba la rabin.

DAAWO

<