Puntland oo amartay in canshuur badan laga qaado badeecooyinka ka imaanaya Gobolada Waqooyi.

Wareegto ka soo baxday wasiirka maaliyadda Puntland ayaa masuuliyiinta dakhliga ee gobolada Sool, sanaag iyo Karkaar ee Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay xisaabiyaha guud ee Puntland, agaasimaha wasaaradda Maaliyadda iyo madaxweynaha, ayaa lagu amray in beecadaha daruuriga ah ee ka imaanaya Somaliland, waxaana laga qaadi doonaa canshuur dhan 100%.

Xukuumadda Puntland ayaa waxa ay sidoo kale laba jibbaartay dhaqaalaha ama canshuuraha laga qaadayo badeecadaha aan dabiiciga ahayn ee ka imaanay Somaliland oo laga dhigay 200%, si loo yareeyo badeecadaha aan daruuriga ahayn eek a soo geliya dhanka Somaliland.

AKHRISO

<