Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo ku kulmay aagga hubka ka caagan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa iminka ku kulmay soohdinta sida wayn uga caaggan hubka ee u dhexaysa Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed halkaas oo ay si diirran isugu gacan qaadeen.

Maddaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu noqday hogaamiyihiii ugu horreeyey ee xil haya ee cagta dhiga Kuuriya Waqooyi kaddib markii uu Kim kula kulmay soohdinta hubka ka caaggan ee u dhexaysa labada Kuuriya.

Kulankan aan horay loo sii qorshayn ee ka dhacaya soohdinta hubka ka caaggan ayaa imaanaya kaddib markii Mr Trump uu bartiisa twitter-ka ku sheegay in uu halkaas ku marti qaaday Mr Kim.

Shirkaan dhexmaray hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa ahaa saddexaad ee sanad gudihiis dhex maraya Mr Trump iyo Mr Kim, kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan oo bishii February ka dhacay dalka Vietnam ayaa fashil ku dhammaaday.
<