Wararkii ugu dambeeyey ee soo xulista xildhibaanada Jubbaland oo meel xasaasi ah Maraysa.

Puntlandi (HQ)-Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ahna magaala madaxda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka socda soo xulista xildhibaanada cusub ee ay yeelanayo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Inta badan isimada iyo odayaasha dhaqanka ee Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Kismaayo si ay u soo xulaan xubnaha barlamaanka cusub ee maamulkaasi xilli dhowaan ay qabsoomi doonto doorashada madaxtinimada ee Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga hirgeliyey xarun cusub oo loogu talagalay odayaasha dhaqanka ee Jubbaland gaar ahaan kuwa ku howlan xulista xildhibaanada, waxaana goobta siweyn ammaankeeda u adkeeyey ciidanka ammaanka ee maamulkaasi.

Jubbaland ayaa waxaa ku loolami doona madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo musharixiin badan oo ay soo abaabushey Villa Somalia si ay xilka ugu dhiibto shaqsi ay ugu maamuli karto sida Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

<