Madaxweynaha Puntland oo maanta qaabilaya wafti uu hogaaminayo safiirka Hindiya ee Somalia.

Puntlandi (HQ)-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmi doona wafti ka socda safaaradda dalka Hindiya ee Soomaaliya fadhigeeduna yahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Waftigaan ayaa waxaa hogaamin doona safiirka Hindiya ee dalka Soomaaliya Danjire Ambassador Rahul Chabbra iyadoona ay wehelin doonaan saraakiil katirsan safaaradda iyo hayaddaha ka shaqeeya arrimaha horumarinta ee dalkaasi.

Kulankaan ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo danjire Ambassador Rahul Chabbra waxa ay uga wada hadlaan xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dalka Hindiya iyo sidii ay wadashaqayn buuxda u yeelan lahaayeen.

Danjire Ambassador Rahul Chabbra iyo madaxweynaha ayaa bishii April kulan kuyeeshay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, waxaana xusid mudan in dowladda Hindiya aysan horay mashaariic uga fulin jirin deegaamada Puntland.

<