XOG-Villa Somalia iyo Ahlusuna oo qarka u saaran inay ku kala tagan qodob lagu kala kacay shirkii Dhuusa-mareeb.

Xog hoose oo ay heshay PI ayaa sheegaysa inuu jiro qodob xasaasi ah oo Ahlusna ay ka diidey madaxa xukuumadda ee Villa Somalia Xasan Cali Khayre mudadii uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud aanna horay loo shaacin.

Wararr xogagaal ah ayaa sheegaya in Xasan Cali Khayre uu dalbaday dardar gelinta dhammaan heshiisyadii dhexmaray Ahlusuna iyo maamulkiisa iyagoona ay kujiraan qodob muran dhaliyey oo la xiriira qaramaynta ciidanka Ahlusuna Waljameeca.

Xasan Cali Khayre ayaa Ahlusuna sheegay inuu doonayo in ciidmada kooxda ay ka mid noqdaan militariga dowladda federaalka ah, gaar ahaan guutada 21-aad, si ay dowladda uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada dhexe.

Guud aahan maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa waxa uu diidan yahay in ciidankiisu ku biiro Muqdisho, waxayna sheegtay inay sii ahaan doonaan ciidamo u gaar ah maamulkaasi haseyeeshee ay diyaar u yihiin ka qaybgalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
<