Guddoomiyihii maxkadda sare ee Puntland oo Garoowe aas qaran loogu samaynayo.

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta waxaa aas qaran loogu samaynayaa AUN guddoomiyihii maxkamadda sare ee dowladda Puntland Yuusuf Xaaji oo dhowaan ku geeriyoodey wadanka Turkiga.

AUN Yuusuf Xaaji guddoomiyihii maxkamadda sare ee Puntland ayaa waxaa aas qaran loogu samayn doonaa qabuuraha Khayr Seexay ee duleedka Garoowe, waxaana ka qaybgeli doona madaxda Puntland, xubno ka socda DFS iyo dowlad goboleedyada iyo qaybaha bulshada.

Marxuumka oo muddo ka soo shaqaynayey arrimaha garsoorka Soomaaliya ayaa geeridiisa waxaa siweyn looga dareemay guud ahaan Soomaaliya, iyadoona geeridiisa ay ka tacsiyeeyeen dhinacyo kala duwan.

<