War deg deg ah-Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland oo iscasilaya.

Magaalada Garoowe waxaa hadda shir jaraa’id kaga dhawaaqaya inay iscasilayaan dhammaan xubnaha gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo la soo dhisay xilligii xukuumaddii hore ee madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Gudoomiyaha gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo ay weheliyaan xubno katirsan madaxda kale ee xafiiska ayaa waxa ay shir jaraa’id kaga dhawaaqi doonaan inay iscasileen iyo sababaha keenay.

Todobaadadii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey warar sheegaya in xubnuhu ay lakulmeen madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni isla markaana ay u gudbiyeen iscasilaaddooda.

<