Malayshiyaad saaka ku dagaalamaya deegaamo katirsan Shabeellaha hoose.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee ay saaka helayso shabakadda wararka ee Puntlandi dagaal u dhexeeya laba malayshiya beeleed ayaa waxa uu ka socdaa degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaamo hoosyimaada.

Bulshada kunool deegaamadaasi ayaa saaka ku soo toosay rasaas culus oo ka dhaceysa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose isla markaana dadka qaarkood ay ka barakacayaan magaalada si ay uga nabadgalaan khasaare ka soo gaara dagaalka socda.

Majirto cid ilaa hadda faahfaahin ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, dhinaca kalena maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degada Wanlaweyn wax faah-faahin ah kama aysan bixin.

<