Dowladda Itoobiya oo Xabsiga dhigtay 56 xunood oo ka tirsanaa Xisbiga Amxaaradda

Ciidamada Boliska  ee dalka Ethiopia  ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Addis- Ababa waxa ay ku  soo qab qabteen 56 xubnood oo ka tirsan Xisbiga Amxaaradda ee the National Movement of Amhara”  NMA, kadib, markii uu dhawaan fashilmay Afgembi ka dhacay Dowlad-gobaleedka Amxaaradda ee dalkaasi Itoobiya.

Afhayeenka Xisbiga NMA, Christian Tadele ayaa waxa uu maanta u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay qabqabashadaasi ka dhacday caasimadda dalkaasi Itoobiya ee Addis Abeba.

Afgambigii fashilmay ee ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa lagu qaarajiyay Taliyihii ciidamada milatariga ee dalkaasi iyo madaxweynihii ismaamulka Amxaarada.

 

<