DAAWO-Xildhibaan Xaraf oo ka warbixiyey shaqada cisbitalka Garoowe shacabkana ugu baaqay inay banneeyaan dhulka dowladda.

Wasiirka caafimaadka Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa shalay booqday cisbtalka weyn ee magaalada Garoowe, waxaana weheliyey xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf oo kamid ah golaha wakiilada Puntland ayaa ammaanay shaqada ka socota cisbitalka Garoowe, wuxuuna codsaday in la banneeyo dhulka ka agdhaw cisbitalka ee dadka shacabka ah qabsadeen.

Dhanka kalena, xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in boos la dhigo loo waayey gaadiidkii gurmadka deg dega ah ee dab-damiska caasimadda, isagoona codsaday in reer Garoowe u diyaar garoobaan bannaynta dhulka dowladda si danta guud loogu qabto.

DAAWO

<