Sarkaal katirsan ciidanka Puntland iyo xildhibaan hore oo Garoowe lagu xiray.

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa xabsi kuyaal magaalada Garoowe lagu xiray sarkaal katirsan ciidamada dembi baarista Puntland ee CID-da iyo xildhibaan hore oo katirsanaan jirey barlamaankii kan hadda jira ka horeeyey ee Puntland.

Ciidanka ammaanka ayaa xabsiga u gtaxaabay taliyihii CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kadib markii uu madaxweynaha Puntland amar ku bixiyay in la soo xiro, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa lagu soo waramayaa inuu amar ku bixiyey in taliyahaan xabsiga la dhigo, waxaana xarigiisa lala xiriirinayaa macluumaad uu rag qareeno ah ka siiyey kiiska marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo aan weli dhammaan.

Docda kalena, xildhibaan hore Maxamed Axmed Jaceel oo ka tirsanaa baarlamankii Puntland ee waqtigoodu dhammaaday sanadkii hore ayaa maanta lagu xiray saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe, sida ilo xogagaal ah xaqiijiyeen.

Inkastoo aan weli la soo bandhigin macluumaad ku saabsan xariga xildhibaankaan hore haddana waxaa wararku sheegayaan inay xabsiga Garoowe u taxaabeen ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Puntland oo watey waaran maxkamadeed.

<