Madaxweyne ku-xigeenka Puntland & wafti uu hogaaminayo oo u ambabaxay Jabuuti.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano iyo masuuliyiin kale ayaa u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo ay kaga qayb gelayaan maalinta Xornimada Wadankaasi uu ka qaatay gumaystihii Faransiiska ee 27, Juun, 1977.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo faahfaahiyey muhiimadda isaga iyo weftigiisa ayaa xusay in dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay ka heleen casumaad rasmi ah oo ku aadan ka qayb galka xuska maalindooda xuriyadda.

“Waxaan Casumaad ka helnay dowladda aan walaalaha nahay, waliba jaarka nahay ee Jabuuti, waxaan ka qayb gelaynaa maalinta ay Xornimada ka qaateen gumaystihii faransiiska oo ku beegan beri 27, Juun, 2019, waana ku faraxsanahay inaan kala qayb galno farxadda iyo dabaal deggooda, runtii ma gudi karno abaalkooda, walaalnimo ee ay noogaleen maalintaan garabka u baahnayn, anaga kaan u galnay waxaa nagalaweyn kay iyagu noogaleen”. ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.

Safarka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ugu ambaboxo dalka dibaddiisa tan iyo intii la doortay 08 Janaayo 2019. Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti waxa ay kulamo kala duwan la qaadan-doonaan madaxda dalkaasi.

<