Kiiskii Caasha Ilyaas oo ilaa Sabtida dib loo dhigay sababo la xiriira todobaadka xorriyadda.

Waxaa guud ahaanba maanta dib loo dhigay oogista dacwaddii iyo kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan, iyadoona maxkamadda rafcaanku ay dib u dhigtay ilaa maalinimada Sabtida ah foodda inagu soo haysa, sida ay sheegeen xubno katirsan bahda garsoorka Puntland

Arrintaan ayaa waxaa loo sababaynayaa in maanta ay ku beegan tahay bilowga todobaadka xorriyadda Soomaaliyeed oo ah 26 June ilaa 1-da Julay, isla markaana ay maanta fasaxyihiin dhammaan shaqaalaha dowladda Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in maanta oo Arboco ah ay fasax yihiin dhammaan shaqaalaha dowladda Puntland si loo weyneeyo maalmahaan dastuuriga ah ee ku weyn umadda Soomaaliyeed.

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay 12-kii bishii dhammaatay xukun dil ah ku ridey 3 kamid ah 100 eedaysane oo loo haystay dilka Caasha Ilyaas Aadan, walow ay ugu dambayn rafcaan ka qaateen waxaana ay kalayihiin.

1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 46 jir

2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame, 34 jir

3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 24 jir

DAAWO

DAAWO

 

<