Khayre oo ku wajahan Cadaado si uu uga dhaadhiciyo doorasho laga soo abaabulo Muqdisho.

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garaw loogu jiro soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo muddooyinkaan ka shaqaynayey inuu dhiso Galmudug laga amro Muqdisho.

Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka socda Villa Somalia ayaa safar dhinaca dhulka ah waxa ay uga soo ambabaxeen Magalada Dhuusamareeb, iyaga oo soo maray deegaanka Godinlabe oo u dhaxeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan waxaa uu la qaadan doonaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalin ka hor halkaasi tegay iyo Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladaas,isaga oo kala hadli doona xal u helida caqabadaha siyaasadeed ee ka jirta Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa maamul lagu mideysan yahay.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa hadda ku sugan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda deegaamadaasi oo ka shaqaynayey sidii loogu qancin lahaa in bisha dambe doorasho lagu qabto Galmudug.

<