Wafti ay hogaaminayso safiirka Norway ee Soomaaliya oo Garoowe ku wajahan.

Wararkii ugu dambeeyey ee warsidaha Puntlandi uu saaka ka helayo Garoowe ayaa sheegaya inay Puntland ku wajahan yihiin xubno katirsan wakiilada caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Waftigaan heerka caalami ah ayaa waxaa hogaaminaysa  Norway ee Soomaaliya Ambassador Ms. Elin, iyadoona ay ku wehelin doona xubno katirsan diblumaasiyiinta ku sugan Nairobi iyo saraakiil ka socda safaaraddeeda.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa waftigaan ku qaabili doona aqalka madaxtooyadda waxaana lafilayaa inay kawada hadli doonaan xiriir Puntland iyo Norway, kaalinta Norway ee horumarinta Puntland iyo sidii ay dowladda dalkaasi mashaarii horumarineed uga fulin lahayd Puntland.

Danjiraha Norway ee Soomaaliya Ambassador Ms. Elin oo aan Puntland horay u imaan ayaa waxa ay magaalada Nairobi bishii 4aad kula kulantay madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni oo ay kawada hadleen arrimaha Puntland.

<