DHEGAYSO-Yuusuf Dabageed,”Iskudaygii 3aad ee laygu dili lahaa ayaan ka badbaaday”.

Guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan ee uu dhawaan xilka ka qaaday Madaxweyne Waare xilkaasi diiday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in markii saddexaad uu ka badbaaday dil qorsheysan.

Mar uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Beledweeyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in Maanta la soo weerar,isla markaana Ciidamo Soomaali iyo Ajnabi ah ay soo weerareen si ay u dilaan balse uu dilkaasi ka badbaaday.

DHEGAYSO

<