DHEGAYSO-Barlamaanka Puntland oo cafiyey wasiir Gallan oo ay su’aalo waydiiyeen.

Barlamaanka dowladda Puntland ayaa cafiyey wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan kadib markii uu ka badbaadey warbixin ay ka soo gudbiyeen gudiga amniga ee golaha wakiilada isagoona ka jawaabey su’aalo goluhu waydiiyeen.

Barlamaanka ayaa wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan waydiiyey su’aalo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee ammaanka Puntland, qorshihiisa xoraynta deegaamada ka maqan Puntland iyo shaqooyin wasiiro kale qabteen.

Ugu dambayn barlamaanka ayaa go’aan ku gaarey in wasiirka ay shaqadiisa u fasaxaan isla markaana uu ka baxsaday su’aalihii laga waydiiyey warbixintii gudiga amniga ee barlamaanka Puntland.

DHEGAYSO

<