Askarigii dilay Taliyihii Milatariga Itoobiya oo gacanta lagu dhiagy

Saraakiisha laamaha amniga ee dalka Itoobiyan ayaa shaaca ka qaaday maanta in uu noolyahay askarigii toogtay taliyihii ciidamada milatariga ee dalka Itoobiya.

lama shaacin magaca ninkan balse saraakiishu waxa ay sheegeen in dhaawaciisa lagu dabiibayo Ibitaal dowladda ay  leedahay  si looga xowaraysyo dadkii ku amray dilka taliyaha.

Sabtidii la soo dhaafay dowladda Itoobiya waxay sheegtay in askarigaas la xiray halka Isniintii taliyaha guud ee booliska Endeshaw Tasew uu shaaca ka qaaday askarigaas uu is dilay markii uu toogtay Janaraallada.

 

 

<