Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo ansixiyey hindise sharciyeed cusub.

Gudooniyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta shir gudoomiyey kulan ay yeesheen xildhibaanada golaha shacabka DFS waxaana soo xaadiray 151 xildhibaan.

Kadib bilowgii kulanka waxaa mudanayaasha barlamaanku ay hab gacan taag ah ku ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa oo la hor geeyay.

Hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa ee xukuumadda Muqdisho gudbisey ayaa waxaa ogolaada 149 xildhibaan, waxaana diiday hal Mudane, halka uu ka aamusay 1 mudane oo kamid ahaa xildhibaanadii joogey kulanka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay Natiijada,waxaana uu sheegay in uu ansax yahay hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada.

<