(VIDEO) Xaaf oo isga soo baxay Dhuusamareeb iyo xaalada oo faraha ka sii baxaysa

Madaxweynaha maamul Goboleedk Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa caawa ku hoyday deegaanka Godinlabe oo u dhexeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Dhanka kale Madaxii Galmudug ee Ahlusuna ayaa dhankooda waxa ay ujan jeersaday dhanka dowladda dhexe, waxaan Dhuusamareeb uga socda kulamo gaar gaar ah mana jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay kulamadooda.

wararka uu helayo warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu maalinta beri ah ku soo wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb, waxaan uu doonayay in uu la kulmo madaxweyne Xaaf, balse madaxeynaha Galmudug ayaa isga soo tagay Dhuusamareeb.

Galmudug ayaa ukala jabtay ilaa iyo saddax garab oo kala ah:

1-Garabka Dhuusamareeb ee Ahulusuna.

2- Garabka Xaaf oo fadhigiisa uu yahay Cadaado.

3- iyo garabka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Carabey.

Madaxweyne Xaaf ayaa lafilayaa in uu fariisin ka dhigto magaalada Cadaado.

Halkan ka daawo soo dhawaynta Madaxweynaha.

Haddii ay jirto meel lagaa neceb yahay waxaa jirta meel lagaa jecel yahay?Derbiga Wariye Siciid cabdi maxamed

Slået op af Cumar Lakiman i Søndag den 23. juni 2019

<