Magaalada Hargeysa oo nin haween kufsi wadareed ugu geysteen maxkamadda dacwad geeyey.

Guuda ahaan dhulka Soomaalida saaka waxaa laga hadal hayaa kufsi wadareed ay tiro haween ah magaalada Hargaysa ugu geysteen mid kamid ah ragga ku sugan gudaha magaalada Hargaysa ee xarunta gobolka waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Maxkamada gobolka Maroodi jeex ee magaalada Hargaysa ayaa saaka waxa dacwad keensaday nin dhalinyaraa oo sheegay inay 4 dumar ahi ay kufsadeen xilli habeen ah gudaha magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka waqooyi galbeed Soomaaliya.

Ninkan ayaa maxkamada u sheegay in dumarku todobaadkii lasoo dhaafay ay 12kii habeenimo isagoo kasoo baxay shaqo ay ugu yeedheen si kama ah(Kadis) ka dib ay ku qaateen gaadhi ay wateen isla markaana ku ka xeeyay inuuu meel u tilmaamo.

Mid kamida dumarka ayaa ula soo baxday hub(Baastoolada) si uu isku dhiib ayna uga samaystaan waxay doonayaan, sida uu hadalka u dhigay ninkaan sheegay in dumarku ku kufsadeen magaalada Hargaysa.

<