LIVE-Maxkamadda rafcaanka gobolka Nugaal oo go’aan ka gaaraysa kiiskii Caasha Ilyaas.

Maxkamadda rafcaanka ee gobolka Nugaal ayaa saaka go’aan ka gaaraysa eedaymaha loo haysto xukumanayaasha dilkii iyo kufsigii Caasha Ilyaas Aadan oo xukunka horay rafcaan uga qaatay.

Maxkamadda ayaa shalay daahfurtay wajiga 1aad ee dib u dhegaysiga dooda xeer ilaalinta guud ee Puntland iyo qareenada raggaani ayaa waxaa maanta laga sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee ku aadan xukunkooda.

DAAWO

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay 12-kii bishii dhammaatay xukun dil ah ku ridey 3 kamid ah 100 eedaysane oo loo haystay dilka Caasha Ilyaas Aadan, walow ay ugu dambayn rafcaan ka qaateen waxaana ay kalayihiin.

1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 46 jir

2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame, 34 jir

3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 24 jir

<