Isku da’y Afgambi oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Amxaarada,Madaxweynihii, Taliyihii Ciidanka Itoobiya oo Geeriyooday,

Taliyihii Ciidanka Itoobiya oo lagu Dilay Aafgami dhicisoobay oo ka dhacay DD Amxaarada


Taliyihii Ciidanka Itoobiya oo lagu Dilay Aafgami dhicisoobay oo ka dhacay DD Amxaarada[/caption]
Gobolka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya waxaa xalay ka dhacay isku da’y afgambi oo Madax sare ay ku geeriyoodeen.

Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo latalihyihiidii Ezez Wasie ayaa lagu weeraray xaraunta Dowlad Deegaanka toogasho ka dibna way geeriyoodeen labaduba.

Afhayeen u hadashay Xafiiska Raysal wasaarava Itoobiya ayaa xalay waxay sheegtay in Taliyihii Ciidanka Itoobiya Seare Mekonnen oo xiligaas ku sugnaa Adis ababa uu dhaawacmay, Afhayeenka oo saaka hadhay waxay kaloo sheegtay in taliyuhu uu dhaawicii u geeriyooday.

Taliyaha waxaa dilay mid kamid ah Ilaaladiisa oo qayb ka ahaa Afgambiga dhicisoobay xili uu ku sugnaa gudaha caasimada Dalka ee Adis.

Guud ahaan Gobolka Amxaaraada waxaa laagusoo rogay Xaalad Deg deg ah, gavi ahaana Waxaa la jaray isgaarsiinta

Guud ahaan Xaalada itooboya ayaa kacsan waxaana heegan la galiyay Ciidanka Federaalka.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

<