
Degmada Burtinle waxaa maanta xilalkii kula kala wareegay guddoomiyihii hore ee degmada Burtinle ee gobolka Nugaal Maxamed Maxmuud Buur Dibi iyo gudoomiyaha cusub ee degmada loo soo magacaabay.
Xil wareejintan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Burtinle.
Khilaafkii mudadanba ka dhex taagnaa golaha deegaanka ee degmada Burtinle iyo Guddoomiyihii hore ee degmada ayaa sababay in intooda badan ay xilka iska casilaan xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Burtinle, waxayna taasi ay keentay in madaxweyne Deni uu soo magacaabo guddoomiye ku meel gaar ah.
Dhegayso.