Shacabka Puntland oo iswaydiinaya halka ay ku dambaysay buundadii Midigar & xukuumadda oo aan weli ka jawaabin banayntii kadib.

Dhowaan ayey ahayd markii madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu xariga kajaray dayactir kumeel gaar ama waddo furis ah oo lagu sameeyey 4 meelood oo daadadkii roobabku ka gooyeen buundada Midigar ee gobolka Nugaal.

Xarig jarka dhismahaan oo ahaa mid buuxin ah waxa uu mudane Axmed Karaash kaga dhawaaqay in sida ugu dhaqsaha badan marka dhulku qalalo ay gudi ugu saari doonaan dhismaha buundooyinka iyo laamigana qiimayn lagu samayn doono si loo dhiso.

Ilaa hadda majiraan ifafaalooyin muujinaya dhisme lagu sameeyo wadadaasi maadaama aysan jirin cid si rasmi ah maddaxtooyadu u sheegtay in loogu xil saaray marka laga yimaado gudigii hore oo aan warkooda la maqlin tan iyo markii ay fureen wadada.

Shacabka Puntland ayaa filayey in si dhaqsaha loo bilaabo dhismaha wadadaan wadnaha u ah isu socodka gaadiidka, dadka iyo badeecooyinka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya isla markaana ay kaalintooda ka qaataan si lamid ah middii 2014.

<