Garoowe oo saaka maxkadi dib u furayso kiiskii Caasha Ilyaas Aadan.

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay saaka markale si rasmi ah u bilaabi doontaa dhegaysiga kiiska saddex nin oo horay loogu xukumay dilkii iyo kufsigii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan rafcaana ka qaatay kiiskaasi.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in Sabtida saaka ah ay dib u bilaabayaan dhegaysiga kiiskaani isla markaana ay shacabku goob joog ka noqon doonaan.

DAAWO

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay 12-kii bishii dhammaatay xukun dil ah ku ridey 3 kamid ah 100 eedaysane oo loo haystay dilka Caasha Ilyaas Aadan, walow ay ugu dambayn rafcaan ka qaateen waxaana ay kalayihiin.

1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 46 jir

2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame, 34 jir

3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 24 jir

<