
Ugu yaraan 5 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay halka 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miiimo lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho.
Ciidamadan qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay ka yimaadeen deegaanka Ceelasha biya, waxayna ku soo jeedeen magaalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada qaraxan, waana qaraxyada joogtada ah ee markasta ciidamada dowladda lagula beegsado inta udhexaysa Muqdisho iyo Afgooye.