XOG-Xagee ku xiran yihiin saddexdii xukumane ee rafcaanka ka qaatay kiiska Caasha Ilyaas.

Maalinimada Sabtida ah ee soo socota waxaa Garoowe lagu maxkamadayn doonaa 3 xukumane oo rafcaan ka qaatay kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo bilowgii sanadkaan lagu diley magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Haddaba maalmihii ugu dambeeyey waxaa la hadal hayey in Garoowe laga kexeeyey saddexda xukumane inkastoo aysan arrinkaasi horay xukuumadda iyo laamaha ammaanku uga hadlin.

Ku-xigeernka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa sheegay in raggaasi Garoowe ku xiran yihiin inkastoo uu sheegay in Puntland ay iskumid tahay.

DAAWO

<