VIDEO-Xildhibaan Dhakool,”Beesha Isaaq ima xiran ee waxaa i xirtay Muuse Biixi iyo 7 nin oo aanan midkood weligiis cafin doonin”.

Xildhibaan Dhakool oo katirsan golaha wakiilada ee maamulka Somaliland ayaa maalinimadii shalay ahayd laga soo daayey xabsi kuyaal magaalada Hargaysa oo uu ku xirnaa in ka badan hal bil iyo 8 maalmood.

Dhakool oo ah xildhibaan laga soo doorto gobolka Sool ayaa isagoo xasaanad leh xabsiga loo taxaabay kadib markii uu sheegay in 18 May ay tahay maalin qabiil oo ay leeyihiin beelaha SNM isla markaana aysan ahayn maalin qaran.

Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ayaa k hiilisay Muuse Biixi oo doonayey inuu god dheer ku hubsado kadib markii ay u sheegtay inaan sharci loo marin xarigiisa waxaana dedaal dheer kadib ugu dambeyn uu helay xorriyaddiisa.

Mar uu maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargaysa ayaa waxa uu sheegay inuusan u xirnayn beesha Isaaq haseyeeshee ay xaritay xukuumadda Muuse Biixi hogaamiyo ee maamulka Somalilnad.

Dhakool ayaa sheegay in xarigiisa ay ka dambeeyeen 7 nin oo uu sheegay inay ka faa’iidaysteen hadal ka dhacay isla markaana uusan weligiis cafin doonin guddoomiyaha xisbiga UCID eng Faysal Cali Waraabe.

DAAWO

<