VIDEO-Taliska ciidanka Puntland oo Sanaag kaga dhawaaqay dagaal Somaliland looga saarayo Yubbe.

Deegaamo dhanka Koonfureed kaga begmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ka taagan xiisad kadib  markii ciidanka Somaliland ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ruxayey calanka Soomaaliya xilli ay weli taagan tahay xiisadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag Corneal Cabdullaahi Cumar Cashuur  oo la hadlay idaacadda Garoowe ayaa sheegay inaysan u sii dulqaadan doonin daandaansiga Somaliland aysanna ka fursan doonin inuu dhoco dagaal dhiig ku daato hadddii aysan joojin duulaanka gobolka Sanaag.

Canshuur ayaa waxa uu sidoo kale ka warbixiyey xaaladda guud ee gobolka Sanaag oo uu sheegay inay ammaan ahaan aad u wanaagsan tahay marka laga reebo deegaamada maamulka Somaliland uu xiisadda ka abuurayey muddooyinkii ugu dambeeyey.

DAAWO

<