(Dhegayso) Falanqeyn: Maxaa xigi doono geerida Mursi kadib xaalada dalkaasi?

Allaha unaxariistee waxaa maanta magaalada Qaahira lagu aasay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo maxkamad la soo taagay maalinimadii shalay,una geeriyooda xaalada caafimaad.

Geerida Mursi ayaa waxaa si aad ah loogu hadal hayay baraha ay bulshada ku xiriirto iyo warbaahinta caalamka oo aad ufalnqeynayay.

ilaa iyo haatan wadamo badan ayaan ka  hadlin geeriyada madaxweynihii hore ee dalka Masar marka laga reebo madaxweynaha Turkiga iyo amiirka Qadar oo ka tacsiyeeyay.

Hadaba maxaad ka taqaan taariikhda Mursi ? sidii loo maxkamadeeyay, qaabkee ayuu u ugeeriyooday? maxaase xigi doona Mursi kadib xaalada Masar? arimahaas oo dhan waxaa Puntandi.com uga waramay  Ustaad Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo Bare ka ah Jaamacadaha magaalada Gaalkacyo,falanqeyana arimaha caalamka.

<