Dagaal ka dhacay gudaha Hargaysa iyo askar katirsan Somaliland oo ku geeriyootey.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaasayn ciidanka Somaliland saaka ku dhexmartay Xaafada Maxamed Mooge oo ka tirsan Magalada hargeysa, waxaana ay is rasaaseynta sababtay in mid ka mid ah askartii dagaalka ka qaybgashay.

Xog hoose oo aanu ka helayno dagaalka ayaa sheegaysa in labo kamid ah ciidanku ay isku qabsadeen dhul kuyaal meel u dhow xarunta xanaanada TB-da ee Xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhulkaasi isku qabsadeen.

Askari katirsanaa ciidamada maamulka Somaliland oo lagu magacaabi jirey Daadeeys ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaastii ay isku rideen, waxaana hadda socda dedaalo xiisadda lagu qaboojinayo.

Goob jooge ayaa u sheegay Puntlandi in askarigii ka dambeeyey dilka askariga kale ee ay dhulka isku haysteen uu goobta ka baxsaday waxaana laga cabsi qabaa inay labada beelood ee ay ka soo kala jeedaan dilal kale isu geystaan haddan la soo qaban.

<