DAAWO-Nabadoon xalay la sheegay in lagu diley Kismaayo oo muuqaal soo duubay sheegayna inuu mowqifkiisii haysto.

Nabadoon Maxamed Cali Jaamac (Majante) oo kamid ahaa isimada Jubbaland ee soo xulaya barlamaanka maamulkaasi ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh ay ku been abuurteen aysanna jrin cid isaga dishey kadib markii la baahiyey sawirro lagu sheegay dilkiisa.

Waxa uu sheegay in been abuur lagu sameeyey isla markaana qof kale la diley laguna sheegay isaga uuna nool yahay isagoo farriin culus diray.

Haddaba nabadoonka la sheegay in xalay lagu diley magaalada Kismaayo ayaa maanta warbaahinta ka soo muuqday waxaana uu ka hadlay wararka sheegaya in la diley, sababta keenta, cidda uu isleeyahay waa ka dambeysaa iyo haddii madaxda Jubbaland ay dilayaan.

DAAWO

<