Xiisad ka taagan duleedka Ceerigaabo & ciidanka Somaliland oo rasaas la dhacay shacab taagey calanka Somalia.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno degmada Ceeri-gaabo ee gobolka Snaaag ayaa sheegaya in duleedka magaaladaasi ay kataagan tahay xiisad u dhexaysa dadka deegaanka iyo ciidanka maamulka Waqooyiga Soomaaliya ee Muuse Biixi hogaamiyo.

Milatariga maamulka Hargaysa ayaa hubka culus iyo rasaas la dhacay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Damalla-xagarre kadib markii ay magaalada ka taageen calanka Soomaaliya iyo Puntland.

Ciidamada Somaliland oo ka caraysan calanka ayaa dadka u sheegay inay dejiyeen waxaana dadka deegaanku tilmaameen inaysan dejin doonin taasi oo ugu dambayn sababtay in ciidanku ay rasaas la dhacaan dadka rayidka ah ee deegaankaasi.

Rassaasta ay fureen ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartey dad shacab ah waxaana ugu dambayn qoryo fudud soo gurtay dadka deegaanka oo doonayey inay ku dhintaan calankooda.

<