(SAWIRRO) Garowe oo laga xusay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka nabaad guurka iyo Abaaraha.

Hay’adda arrimaha binu’aadanimada iyo isbedelka cimilada ee ICCAR iyo wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka nabaad guurka iyo Abaaraha.

Xuskaan oo ka dhacay xarunta hay’adda PDRC, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta ka socday golaha wasiiradda, hay’addaha caalamiga  ah iyo quburo ku xeeldheer arrimaha deegaanka.

Munaasibada ayaa lagusoo bandhigay daraasad ku saabsanaa waxyaabaha keena soo noqnoqodka iyo jiitanka Abaaraha. Waxaa kale oo looga hadlay wax yeelada degaanka la gaarsiiyay iyadoo xataa reer miyigii la sheegay haatan inaysan isticmaalin Awrtii ay ku guuri jireen taas badalkeedana ay ka dhigteen gaadiid, kuwaasoo goobo aan wadooyin ahayn ka sameystay jidad cusub.

Maxamad Axmed Cali (geel ma dhalin) oo ah madaxa Hay’adda Iccar ayaa sheegay inay wacyi galin xoogan oo ku saabsan la dagaalanka Nabaad-guurka ka sameeyeen Puntland, iyagoo weliba aan la sugin wax mashruuc ah, balse ay uqabanayeen si wadaniyad leh oo ay dalkooda ugu adeegayeen.

Wasiirka qorshaynta Puntland Cabdiqafaar Xaange ayaa uga mahad celiyay kuna ammaanay hay’adda ICCAR inay si isxilqaanimo ah u abaabushay xuska maalinta la dagaalanka nabaad guurka iyo abaaraha, taasoo uu sheegay inay muujinayso dadku inay wax qabsan karaan iyagoo aan cidna weydiisan garab.

Wasiirka qorshaynta wuxuu sheegay horumarinta degaanku inay tahay mudnaanta koowaad ee dowladda Puntland ayna dowladdu udiyaarisay mashruuc balaaran oo ku kacaya 13 milyan iyo badh dollar , kaasoo bishaan gudaheeda la saxiixayo . Wuxuu wasiirku sheegay dadaalada ay wado ICCAR iyo hay’addaha lamidka ah inay kaalin wax ku ool ah ka qaadanayso in bulshada la fahamsiiyo in degaanka iyo nolashoodu isku xiran yihiin.

Wasiirka macdanat, Tamarta iyo biyaha ee dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) ayaa isna ka hadlay xuksa, isagoo sheegay dhibaatada  degaanka lagu hayo inay ubaahan tahay xal ka yimaada bulshada dhexdeeda oo aan lala sugin mashruucyo waaweyn, Waxaa uu sheegay dadaalka ICCAR wado inuu bogaadinayo kuna dhiiri galinayo inay howshooda sii labo jibaaraan.

Puntlandi.com

<