(Dhegayso) Falanqeyn : Mashaariicda horumarineed ee Puntland laga hirgalinayo iyo balanqaadka Beesha Caalmaka ma ufuli doonaan sidii loogu talagalay ?

Dowladda Puntland waxaa ku soo fooleh mashaariicdii ugu badnayd  ee abid ay hesho, kadib markii ay heshay  aqbalaada iyo balan qaadka mashaariic horumarineed oo lagu maagalinayo  dhinacyada horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaale ee Puntland.

Talaabadan ayaa timid kadib markii madaxweyne Deni dhawaan uu safaro ku tagay dalal dhowr ah sidookalena uu Garoowe uu kula kulmay  wakiilo caalami ah iyo wadamada daneeya Soomaaliya.

Hadaba sidee tahay suuro galnimada fulinta mashaariicdaasi iyo sidii looga fogaan lahaa musuq maasuq? Su,aalahaas iyo kuwo kale waxa uu Puntlandi.com uu hor dhigay Cali Xaaji Siciid oo  ah madaxa  xiriirka bulshada ee Jaamacada Baddacas ee Bosaaso,barena ka ah kuliyada dhaqaalaha.

Dhegayso.

<