DAAWO: Xeer Ilaalinta Puntland oo shaacisay xilliga dib loo bilaabayo dhegaysiga kiiskii Caasha Ilyaas.

Maxkamadda Derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa muddaysay xilliga dib loo qaadayo dacwadda la xiriirta kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan oo ay horay saddexdii nin ee maxkamaddu u xukuntay ay rafcaan uga qaateen.

Ku-xiegenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay xafiiskii magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay inay dib u bilaabayaan maalinimada Sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 22-ka bisha 6aad.

Xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu faahfaahin guud ka bixiyey kiiskaan oo horay go’aan maxkamaddu gaartey kadib ay raggii la xukumay rafcaan uga qaateen dilka lagu xukumay halka ilaa 7 kalena la siidaayey kadib markii wax kiiska la xiriira lagu waayey.

DAAWO

<