DAAWO-Madaxweynaha dowladda Puntland oo Garoowe ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Denni ayaa magaalada Garoowe kaga qaybgalay bandhigga manhajka macalimiinta dugsiyada hoose ee Puntland oo lagu qabtay kulliyadda tababarka macalimiinta ee GTEC Garoowe.

Ugu horayn wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey xogta la xiriirta manhajkaan iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kalena, madaxweynaha Puntland oo bogaadiyey cidkasta oo soo qaban qaabisay manhajka ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay tayeynta waxbarashada Puntland.

DAAWO

<