VIDEO-Nabadiin Cabdullaahi M Jibriil,”Puntland waa loo siman yahay, malaaqyada KG raali gelin ha bixiyaan”.

Nabadoono iyo waxgarad ka soo jeeda deegaamada Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal malaaqyada iyo waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ugu gafeen shacabka iyo dowladda Puntland oo ay sheegeen in dad ka soo jeeda koonfur galbeed lagu waxyeeleeyey.

Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jibriil afhayeenka nabadoonada gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta Puntlandi ayaa waxa uu wax laga xumaado kutilmaamay hadalka ka soo yeeray ragga ugu sareeya dhaqanka deegaamada Koonfur Galbeed.

Nabadoon Jibriil ayaa waxa uu ugu baaqay malaaqyada Koonfur Galbeed inay raaligelin ka bixiyaan hadalkaasi ay gafka ugu geysteen reer Puntland, wuxuuna caddeeyey in burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib dadka Soomaaliyeed u sinnaayeen Puntland kana heleen deganaansho iyo nabadgelyo.

Dadka ka soo jeeda deegaamada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inay ganacsiga ugu badan ku leeyihiin Puntland isla markaana aysan jirin cid waxyeelo gaarsiisa, hadalkaasina uusan ahayn mid laga filanayey rag soo xulay barlamaanka Soomaaliyeed ee u siman umadda.

Shacabka Koonfur Galbeed ee jooga Puntland ayaa waxa uu ugu baaqay inay ka jawaabaan caddeeyaana meesha lagu waxyeeleeyey haddii aysan ka jawaabina ay noqon doonaan dad wax ka og hadalka ka soo yeeray ragga ku hadlay magaalada Baydhabo.

Ugu dambayn shacabka Puntland ayaa waxa uu ugu baaqay inay isdejiyaan ayna sidii hore u soo dhoweeyaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo deganaanshaha u soo doonta deegaamadeeda, aysanna waxba ka soo qaadin gafka loo geystey.

DAAWO

<