Shacabka reer Baydhabo oo kasoo qaxay Xaafada Baraxlay

Xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay ilaa xalay soo gaarayay qoysas iyo Dhalinyaro kasoo qaxay Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo, Shacabkaan ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi xoogan kadib markii deegaankaas lagu Dilay 13 qof oo si gaara loo bartilmaamadeystay,kuwasoo kasoo wada jeeda Beelaha dega Gobolada Koonfur Galbeed.

Xeryaha Barakacayaasha iyo Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa Shacabka kasoo qaxaya deegaanadaas, iyada Dadka qaarkood ay kasoo qaxeen meelo fogfog oo Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug ka mid ah.

Fidnadaan ayaa ka bilaabatay kadib markii la dilay nin kasoo jeeda Xaafada Baraxlay, diækaas ayaa lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen Dad kasoo jeeda Baydhabo, tasoo keentay in la ugaarsado Shacabka kasoo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed, Waxaana barxad ku taal banaanka Xaafadaas la isugu keeney 9 qof , kadibna hal meel ayaa lagu toogtay.

Gobolka Galgaduud ayaa iyana agu dilay 4 Qof oo isla reer Koonfur Galbeed ah.

Dowlada Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug kama aysan hadlin Shacabka kasoo qaxaya Koonfurta Gobolka Mudug, kuwasoo qaarkood u baahan yihiin Daryeel gaara, halka qaarkood ay khatar ku yihiin Amaanka Deegaanka, waxaana iyaba ku jira Qoysas Caruur wata oo aan wax dhaqaale ah wadan.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<