Sawirro-Dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug oo bilowday.

Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday dhismaha dekedda Garacad oo ay si iskutashi ah u dhisanayaan dowladda iyo shacabka Puntland.

Dekeddaan oo ay dhismeheeda gacanta ku hayso shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga ee TTN ayaa waxa ay qaadan doontaa muddo 2 sano iyo dhowr bilood ah waxaana lafiyaa inay isku xiri doonto ganacsiga Itoobiya, Puntland iyo bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa dhowaan Galkacyo kaga dhawaaqay in xukuumaddiisu ay dedaal badan ku bixin doonto dhismaha dekedda Garacad oo DFS ku xumaysay Puntland.

SAWIRRO

<